Gabiley iyo barnaamijka dhiirigelinta dhallinyarada

 

Maxamed  Cali Bile, Cabdikariim Axmed Mooge iyo Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul “Laab-Saalax” ayaa kulan u qaban doona dhallinyarada reer Gabiley 9-ka April 2017.

Kulankan ayaa ujeeddadiisu tahay in ay dhallinyarada la wadaagaan wixii ay waayo-aragnimo dheer yihiin sidoo kalena ay iyagu dhallinyarada ka soo korodhsadaan wixii ay macluumaad ka korodhsan karaan.

Maxamed Cali Bile wuxu ka hadli doonaa mowduuc ah “Iswaafajinta Tacliinta iyo Xirfadda”, Cabdikariim Axmed Mooge wuxu ka hadli doonaa “Qabyaaladda iyo sida looga gudbi karo” halka Xasan Saleebaan “Laab-Saalax” uu ka hadli doono “Suugaanta iyo Dhallinta’.

Madashan aqoon-is-weydaarsiga ah ayaa lagu qaban doonaa hoolka shirarka ee Dawladda Hoose ee Gabiley Axadda, habeenka Isniinut soo galayso, 16-ka April, 5.50pm. 

Maxamed Cali Bile ayaa barta uu ku leeyahay Facebook-ga ku baahiyey qoraal kooban  oo sidan u dhigan:

“Waan ku faraxaanahay in Gobolka Gabiley fidiyey madashan ay iskugu imanayaan dhalinyarada Gobolka deggen iyo kuwa gobolada jaarka la ah, sida Maroodijeex iyo Awdal. Farxad gaar ah ayey ii tahay inaan aqoon, waaya-aragnimo iyo fikir la wadaago dhalinyrada anna an wax iga maqan ka soo korodhsado.”

Bandhige@gmail.com