Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah usoo gabogabeeyey, kulanka sannad laha ah ee dib u eegista hawlaha talaalka ee ka socda gobollada iyo dagmooyinka dalka iyo qorshaynta sannadka 2025.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay waaxda caafimaadka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka isla markaana ay iska kaashadeen hay,addaha caalamiga ah sida save the children, UNICEF, WHO, SRC, ALLIGHT, ayaa waxaa kasoo qaybgalay, masuuliyiin ka kala socotay xarunta dhexe ee Wasaaradda, isuduwayaasha gobollada dalka, masuuliyiinta talaalka ee gobollada iyo xubno ka tirsan hay,addaha Wasaaradda la shaqeeya, ayaa muddadii uu socday lagu falanqeeyay waxyaabaha u qabsoomay talaalka, caqabadihii ka hor yimid iyo qorshayaasha sannadka 2025 lagu hagi doono talaalka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo si rasmi ah usoo gunaanaday kulankan, ayaa u mahadceliyey masuuliyiintii kasoo qaybgashay kulankan, dadaalkii ay galiyeen horumarinta adeegyada talaalka heer-qaran isagoo kula dardaarmay inay kor u sii qaadaan hawlaha ay hayaan, xilwayna iska saaraan sidii loo tayayn lahaa adeegyadda Talaalka ee guud ahaan Dalka.