Ganacsatada Suuqa Waaheen ee Hargeysa waxay albaabada u xidheen meheradahoodii kadib markii qiimaha sarifka doolarka iyo shilinku cirka isku shareeray

 

Ganacsatada suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, ayaa saaka mudaharaad salmi ah ku muujiyey meheradahoodii ganacsi oo ay albaabada u laabeen kadib sicir-barar aad u xooggan iyo kor u kaca sarifka lacagaha oo ay in muddo ahba cabasho ka muujinaayeen isla mar ahaantaana aan waxba laga qabanin.

Meheradaha ganacsi ee ku yaala suuqa Waaheen iyo badhtamaha Hargeysa, ayaa dhammaantood ba la arkaayey iyaga oo xidhan, waxaana daqiiqado kadib ba ay xukuumaddu goobahaasi soo dhoobtay ciidamo aad u tira badan kuwaasi oo ku gaashaamnaa hub ciidan iyaga oo kala eryaaya dadka iskugu soo ururay goobahaasi iyo weli ba sida oo kale wariyeyaasha isku dayaaya in ay wax ka duubaan dhacdadan iyo dareenka ay qabaan shacabka muwaadiniinta ah ee ka ganacsada suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Wararka xog-oggaalka ah ee aanu illaa hadda helayno, ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku ay tiro dad ah u taxaabeen xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa, ku waasi oo cod oo muujinaayey cabashada ay ka qabaan sicir-bararka iyo kor u kaca ku yimi isku bedelka lacagaha doolarka iyo shilinka.

bandhige@gmail.com