Ganasato Soomaali ah oo Angoola lagu xidh xidhay

Ku dhowaad 100 oo qof oo Soomaaliya ah ayey xabsiga loo taxaabay Booliska Angoola, ka dib markii ciidamadu todobaad ka hor bilaabeen dad baadi doonka dad magangalyo doon ah.

Maxamed Deeq Dhiblaawe oo u hadlay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Angoola, ayaa sheegay in dadka la qab qabtay ee xabsiga loo taxaabay ay ahaayeen dad Ganacsato ahaa oo Waddanka ku noolaa, kuwaasi oo uu boolisku ku eedeeyey in aanay wax sharciya waddanka u haysan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sida tan:

‘’ Dadkan somalida ah ee uu booliska Angoola xabsiga u taxaabay, waxa laga soo qab qabtay iyagoo shaqooyinkoodii ganacsiga ahaa ku guddo jira oo haysta, waxaa jirta in qaar kood loo gaystay jidh dil, halka qaar kalena aan wali wax cunto ah aan laga siinin, ilaa wakhtigii la soo xidhay ee saldhiga la keenay.”

Waxaanu intaas raaciyey in ay jirto nin kale oo ganacsato Ajaanib ah oo booliska dalkaasi heshiis kula galay in ganacsatada Soomaalida ah la xidh xidho maadaama oo ay horumarka ka sameeyeen dalkaasi dhinaca ganacsiga.

Tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka bilaabmay Soomaaliya ayaa waxa ay dad badan oo Soomaali ahi u qaxeen dalal badan oo Afrika ah, oo ay ka mid tahay Angoola, halkaasi oo ay ka furteen ganacsiyo waa weyn.

Dadkan ganacsatada ah ee lagu xidh xidhay Angoola ayaa iyagu waxay meel sare ka gaadheen ganacsiga, iyaga oo qaarkoodna dhaqaale faro badan ka sameeyey dalkaasi, taasi oo sabab u noqotay in ay cadow faro badan yeeshaan.

Waxa maalin walba soo waja dadka Soomaalida ee ganacsiga ku leh Angoola dhac, tacadiyo iyo boob mararka qaarkood loo gaysto.

 

bandhige@gmail.com