Garabka Dhallinyarada Xisbiga Kulmiye waxay deeq lacageed ku wareejiyeen Guddida Abaaraha Ee Heer Qaran

Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Kulmiye, ayaa lacago ay ugu talo galeen inay kaga qayb-galaan taakulaynta abaaraha ku wareejiyey guddida abaaraha ee heer-qaran.
Lacagta la wareejiyey oo qaddarkeedu dhan yahay $10,009(toban kun iyo sagaal dollar), ayaa ah mid ay garabka dhallinyarada xisbiga Kulmiye ugu talo galeen in ay kaga qayb-qaataan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka tabaalaysan, waxana ay maanta gacanta ka geliyeen guddida abaaraha oo ay ugu geeyeen xafiiska ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Wareejinta lacagtan, ayaa waxa goob-joog ka ahaa xubno katirsan garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Kulmiye oo ay guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisuba kamid ahaayeen, waxana goob-joog ka ahaa guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo isagu deeqda lacagta ah wareejiyey.
Guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Kulmiye Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in shirweynihii ay garabkoodu dhawaan Hargeysa ku qabsadeen kaga ballan qaadeen taakulaynta dadka abaartu taabatay, waxana hadalladiisii kamid ahaa:

“Annaga oo ah garabkii dhallinyarada xisbiga Kulmiye ee heer-qaran waxa annaga oo maanka ku hayna xaaladda abaareed ee dalka ka taagan shirweynihii heer qaran ee aanu dhawaan qabsannay kaga baaqnay inaanu gacan ka geysan doono gurmadka abaaraha oo aanu bixin doono lacag dhan toban kun oo dollar, wixii taagtayada ahaydna waanu dedaalnay.”

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday in taakulaynta iyo u gurmashada abaartu kamid tahay qorsheyaasha muhiimka ah ee xisbiga Kulmiye, waxana uu tilmaamay inay waajib tahay ka qayb-qaadashada xaaladda haatan lagu jiro.
Guddoomiye-kux-xigeenka koowaad ee guddida abaaraha heer qaran Sheekh Xasan Cabdisalaan oo isagu lacagtan la wareegay, ayaa si mug leh uga mahad celiyey deeqda ay garabka dhallinyarada xisbiga Kulmiye ku wareejiyeen guddida iyo sida lexejelada leh ee ay umaddooda ugu damqanayaan.
Guddoomiye Xasan Cabdisalaan waxa uu muujiyey sida uu ula dhacsan yahay isku-xidhnaanta iyo isku-duubnida ka dhex muuqata garabka dhallinyarada ee xisbiga Kulmiye , isaga oo rajeeyey inay axsaabta kalena kaga dayan doonaan tallaabada ay qaadeen ee ay naxariista ugu muujiyeen bulshadooda, waxana uu yidhi:

“Waxan leeyahay dhallinyarta Kulmiye ee heer qaran isku xidhnaanta xisbinimo ee ay leeyihiin waan ku dhiirrigelinayaa, waxana ay kula talinayaa inay isku-xidhnaantooda kusii faafiyaan gobollada dalka oo dhan, maadaama ay xisbul-xaakimkii metelaya, iyagaana noo yimi, waxana aanu rajaynaynaa inay xisbiyada kalena ku dayan doonaan oo ay qaadhaanka noo keenaan.”

Ugu dambayntii Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa deeqda lacagta ah si rasmi ah ugu wareejiyey guddida abaaraha, taas oo la rajaynayo inay wax badan ka tari doonto baahida dadka abaartu taabatay, isla markaana abuuri karta jawi cusub oo ay axsaabta kale ee mucaaridkuna kaga qayb qaadan karaan xaaladda abaarta.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com