Garabka haweenka xisbiga Kulmiye waxay soo dhoweeyeen taageerayaal iyo haween ka soo digo-rogtay Waddani

Munaasibadda soo dhaweynta ah oo lagu qabtay Hoolka Cali Maarshaal ee xarunta xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa waxa kasoo qayb-galay hoggaanka garabka heer qaran ee xisbiga Kulmiye, xubno haween ah oo xilal ka haya xukuumadda, haweenka lasoo dhaweynayey, taageerayaashooda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo soo dhaweyn iyo bogaadin u badan.

Haweenka lasoo dhaweeyey oo kasoo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kana soo jeeda degmada Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa, ayaa madasha ka sheegay inay quus ka taagan yihiin siyaasadda xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan oo la shaqeeyaan xisbul-xaakimka talada haya ee Kulmiye.

Hoggaanka garabka haweenka xisbiga Kulmiye ee heer qaran, ayaa iyaguna si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey haween-weynaha kasoo jeeda degmada Axmed-dhagax ee Kulmiye kusoo biiray, waxana ay halkaas ka caddeeyeen inay go’aamada iyo talooyinka xisbigaba si furan uga qayb qaadan doonaan.

Aamina Daynamo oo kamid ah xubnaha haweenka ah ee kusoo biiray xisbiga Kulmiye oo ugu horrayn halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay inay go’aansadeen ku biiritaanka xisbul-xaakimka Kulmiye, isla markaana jaah wareer ka qaadeen siyaasadda xisbigii ay hore uga tirsanaayeen ee Waddani, maadaama ay hoggaamiyayaasha xisbigaasi shirar qarsoodi ah dhawaan dalka Kenya kula galeen xubno siyaasiyiin xilal ka haya dawladda Xamar, waxana hadalladeedii kamid ahaa:

“Annagaa iskayo u go’aansanay inaanu ka baxno xisbigii aanu katirsanayn ee Waddani, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu dalkaba ku wado dhinaca Soomaaliya oo uu hoggaankiisu shirar qarsoodi ah la galay siyaasiyiin soomaaliyeed, waxanu ku qanacnay inaanu la shaqayno oo ku biirno xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye oo aanu u aragno inuu dalka guul ku hoggaamin karo, codkayaga iyo cududayadaba waanu la garab taaganahay.”

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay haween tiro badan oo ay kamid ahaayeen Maryan Cadarre, Nadra Maxamed Jaamac iyo Shuun Aadan Cabdilaahi, waxana ay si isku mid ah u qireen inay la dhaceen siyaasadda iyo nidaamka uu dalka ku hoggaaminayo xisbiga Kulmiye, isla markaana ay ka niyad jabeen habka uu wax u wado xisbigii ay ka yimaadeen ee Waddani.

Caasha-hinda Xuseen oo kamid ah saraakiisha sare ee garabka haweenka xisbiga Kulmiye oo iyaduna halkaaas hadallo kooban ka jeedisay, ayaa soo dhaweysay xubnaha cusub ee xisbiga Kulmiye kusoo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxana ay xustay inay yimaadeen xisbi aan cidi ka xigin iyo madal furan oo ay aragtidooda si xor ah ugu dhiiban doonaan.

Hodan Axmed Cabdi oo hoggaanka garabka haweenka xisbiga Kulmiye ka mid ah, ayaa sidoo kale si diirran usoo dhaweysay haweenka kasoo jeeda degmada Axmed-dhagax ee kusoo biiray Kulmiye, kana soo digo-rogtay Waddani, waxana ay sheegtay inay xoog cusub iyo awood dhinac walba ah kusii siyaadin doonaan xisbiga Kulmiye, Isla markaana qaybtooda ka qaadan doonaan tallaabooyinka dhinaca horumarka ah ee uu xisbigu dalka ku hoggaaminayo.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee garabka haweenka xisbiga Kulmiye Dalays Shire Faarax, ayaa iyaduna halkaas ka hadashay, waxana si hufan usoo dhaweysay haweenka xisbiga Kulmiye kusoo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxana ay tidhi:

“Waxan soo dhaweynayaa haweenka kasoo baxay xisbiga Waddani ee kusoo biiray xisbiga Kulmiye, waxana aan leeyahay taageeradiina waanu u baahanahay, xisbigu waa xisbigiinii idinkuna intii tirada yarayd ee naga maqnayd baad tihiin, waana hubaal ah inaad guusha xisbiga qaybtiina qaadan doontaan sidii aad berigii horeba u qaadateen.”

Agaasimaha madaxtooyada Somaliland Khadra Xaaji Gaydh, ayaa soo dhaweysay haweenka reer Axmed-dhagax ee kusoo biiray xisbiga Kulmiye, waxana ay farta ku fiiqday inay dadka deegaanka Axmed-dhagax iyo Hawd ku sun yihiin guulihii Somaliland gaadhay iyo kuwii qaranku gaadhayba, waxana iyada oo arrimahaas ka hadlaysa ay tidhi:

“Waan soo dhaweynayaa haweenka kasoo jeeda Axmed-dhagax oo ah deegaan ku suntan guulaha Kulmiye iyo kuwa ay Somaliland gaadhayba, waan hubaa inaad dhiig cusub kusii kordhin doontaan xawaarihii uu xisbigu ku socday, waanan idiin han weynahay haddaanu Kulmiye nahay.”

Munaasibadda waxa soo afmeertay guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Kulmiye Canab Cumar Ileeye, waxana ay hadallo soo dhaweyn ah u jeedisay taageerayaasha reer Axmed-dhagax, iyada oo xustay inay xisbiga yimaadeen xilli loo baahnaa, waxana ay tidhi:

“Haweenka nagu soo biiray waxa ay yimaadeen xilli loo baahnaa oo ay doorashadu soo dhawaatay, taageeradiina mar walba xisbigu wuu u baahan yahay, la’aantiina wax baa naga dhinnaa, imikana xisbi aad leedihiin oo aan cidina idinka sheeganayn baad timaadeene ku bishaaraysta.”

bandhige@gmail.com