Go’aamadii Shirkii Laascaanood: Qoddobada Qaran-dumiska ah ee Ku Jira W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Qoddobka 2-aad, waxa ku jira weedh odhanaysa ‘Maamulka Somaliland ‘. Waa gef, Soomaalilaan waa dawlad, waan luuqadda ay reer Soomaaliya ku xaqiraan dawladnimada Soomaalilaan.

= Qoddobka 3-aad, nuxurkiisu waa inay deegaannada Dhulbahante ka baxaan wixii aan Dhulbahante ahayni. Ciidamada Soomaalilaan waxa ay ku joogaan gobolka Sool magaca dawladda Soomaalilaan, kuma joogaan reer hebel. Ciidan dhulkiisii jooga oo ka bax la leeyahay waa qaran-dumis.

= Qoddobka 5aad, wuxuu leeyahay Dhulbahante oo keliya ayaa maamulaya gobolladooda, taasina micnaheedu waa maamul-goboleed ka madax bannaan Soomaalilaan. Waa wax aan dhacayn, oo sheeko la odhan karo.

= Qoddobka 6aad, wuxuu ku baaqayaa shir-beeleed ay Dhulbahante qabsadaan oo Soomaalilaan lagaga tashanayo, si ay maamul gaar ah u samaystaan. Wuxuu toos uga horimanayaa gooni-isu-taagga Soomaalilaan oo markii lagu dhawaaqayey loo dhammaa.

= Qoddobka 7aad, wuxuu nuxurkiisu yahay in maleeshiyaadka Dhulbahante ee aan ku jirin ciidamada Soomaalilaan, ay ka warsugaan talada reerkooda Dhulbahante. Hadalkani wuxuu dhiiragelinayaa daydayga aan cidna ka amar qaadan ee budhcada ah, si ay uga horyimaadaan dawladnimada Soomaalilaan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com