“Go’aanka kama-dambaysta ah Guurtida ayaa iska leh” Suldaan Maxamed Cabdiqaadir

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Maxamed Cabdillahi Galaal oo Salaasadii TV-ga Qaranka waraysi siiyey ayaa ka hadlay sida ay u arkaan muddo-kordhinta la filayo iyo doorka uu ku leeyahay Golaha Guurtida Somaliland.

“Golaha Guurtidu si kastaba maanta ha ahaadee waa gole qaran. Waana golaha uu ku dhisan yahay dalkaa nin waliba maanta nabadgalyada ku taxtaxaashayo” ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Wuxu intaas raaciyey  “Saddexda xisbi qaran iyo Komishanku wixii ay isla qaateen iyadu waa halkeeda laakiin go’aanka kama-dambaysta ah Guurtida ayaa iska leh”

Suldaanku wuxu ka digay dadka aflegaadaynaya Golaha Guurtida oo uu xusay in ay ixtiraam ka mudan yihiin dadka Somaliland. Dhanka kalena wuxu Guurtida ugu baaqay in aanay shilimo-raac noqon.

Suldaan Maxamed Cabdillaahi Galaal oo barbar fadhiyey Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa isagu ka hadlay dhul dan guud ah oo ku barbar yaal Madaarka Hargeysa kaas oo beryahan muran adagi ka jiray. Suldaan Galaal wuxu sheegay in ay xukuumaddu si wanaagsan u qancisay lagana gar helay.

“Dhulkani maaha kii dawladaha hoose bixinayeen ee waa dantii guud ee Madaxweynuhu bixintiisa awoodda u lahaa. Wasiir Xirsi iyo Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa noo yimid. Waxay yidhaahdeen 8 balook idinka (beesha) ayaa la idin siiyey, 6 balookna Ciidanka Qaranka, 1 balookna nin oday ah oo meesha dhul ku leh. Si wanaagsan ayaa naloo qanciyey waana nalaga gar helay” ayuu yidhi Suldaan Galaal.

Faahfaahin dheeraad ah hoos ka daawo.