Go’annadii ka soo baxay shirkii xisbiyada mucaaridka oo maanta la shaaciyey

Shirkii xisbiyada mucaaridka ee la soo gabagabeeyey iyado oo aan wax go’aan ahi ka soo bixin ayaa la shaaciye go’aannadii shirkaas.

Shirkan oo xukuumaddu maalintii koowaad ka horjoogsatay in ay mucaaridku furaan iyadoo ciidan ku daad-guraysay hudheelladii la filayey in lagu shiro ayaa markii dambe si  habqan iyo is-dhex-yaac ah u furmay kadib markii ay Khamiistii Maxkamaddu u ogolaatay in ay shiraan.

Shir-saxaafadeed ay soo saareen xisbiyada mucaaridku ayaa waxa ku wada saxeexaan labada Guddoomiye ee UCID iyo Waddani. Go’aamadda ay soo saareen xisbiyada mucaaridka ayaa waxa ka mid aha:

  • in Madaxweynuhu uu fuliyo heshiiskii 26 May 2015, ee saddexda xisbi iyo xukuumadu ka gaadheen wakhtiga doorashada dhacayso.
  • In haddii uu Madaxweynuhu fulin waayo heshiiskaas ay muuqato in aanay diyaar u ahayn inay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ahi.
  • In aanay labadda xisbi mucaarid aqbli doonin inay doorashaddu dhacdo wakhti aan ahayn bisha Disambar ee Sanadka 2016-ka.
  • In aanu go’aanka Golaha Guurtidu waafaqsanayn Dastuurka iyo sharciga dalka u yaala.
  • Waxaanu Diyaar u nahay in la fuliyo amarkii Maxkamadda Sare ee ahaa in si deg deg ah loo soo afjaro Khilaafka Siyaasga ee dalka ka taagan.

Shir-saxaafadeedkan xisbiyada mucaarikda ayaa waxay ku dhaliilo u soo jeediyeen xukuumadda dhinaca garsoorka, ku xad-gudubka dastuurka , dib-u-dhaca doorarasha, dhaqaalaha , amniga iyo arrimaha dibedda.

Madasha Wada-tashiga oo ku jiraan siyaasiyiin magac weyn ku lehi oo ku wehelinayey shirka xisbiyada mucaaridka ayaan iyaga lagu xusin shir-saxaafadeedkan, balse qayb ka ahaa shirka xisbiyadda mucaaridka.

 

bandhige@gmail.com