Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ayaa markale foodda isku daray gobolka Florida oo ay u arkaan in ay muhiim u tahay doorashada doorashada tobaadka soo socda ka dhici doonta Maraykanka.
Kharashka guud ee xayeysiinta iyo ololaha uga baxay labada xisbi ayaa sare u sii kacay, waxaana lagu qiyaasayaa in boqol milyan oo dollar uu musharax kastaa ku bixiyay Florida.
Donald Trump iyo Hillary Clinton, ayaa si joogto ah u booqday gobolkaasi.
Trump ayaa Arbacadii booqday saddex magaalo oo gobolka ka mid ah, wuxuuna taageerayaashiisa u sheegay in ay tahay in uu Florida ku guuleysto, isla maanta oo Khamiis ahna wuxuu ku sii sugnaanayaan gobolkaasi.
Madaxweyne Obama ayaa calanka Dimuquraadiga maanta u qaadaya Florida, waxaanu door muhiim ah ka qaadanayaan ololaha Hilarry Clinton.
Shalay, wuxuu cod bixiyayaasha u sheegay in Trump uu halis ku yahay Maraykanka iyo caalamka.
Obama ayaa Trump ku tilmaamay inuusan u qalmin in uu noqdo taliyaha ciidamada xoogga dalka Maraykanka.
Saadaashii ugu dambeysay waxay muujineysaa in laba musharax ay madaxa iskula jiraa marka la eego gobolka Florida.
Tarkanka doorashada Madaxweynenimada Maraykanka ayaa waxay haatan maraysaa meel aad u xasaasi ah iyadoo musharixiintu ku loolamayaan sidii ay u hanti lahaayeen dadweynaha Maraykanka oo codbixinta u dareeri doona Salaasada todobaadka so socda.