Gobolladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland maanta si weyn looga xusay Xuska Dheelminta Nebiyulaahi Muxamed NNKH oo….

maanta oo Khamiis ah ay xuskeedu ku beegnayd.

Masaajidada waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa qaar kamid ah ay isugu yimaadeen culimo awdiinta magaalada Hargeysa ,shacab,siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadu,iyaga oo xusaaya munaasibada dheelminta Nebiyulaahi Muxamed (Isra Wal Micraaj).

Masjid Jaamicii kowaad ee caasimadda Hargeysa iyo Masjid Jaamaca hadda ee caasimadda ayaa munaasibadahani ay ka kala dhaceen,iyada oo si weyn loogaga sheekeeyey mucjisooyinkii ku ladhna dheelmintii Nebiyulaahi Muxamed NNKH,waxaana masaajidadan lagu soo bandhigay gabayo iyo siirada nebiga oo lagaga sheekeeyey dheelmintii Nebiga.

Waxa sida oo kale lagu qabtay munaasibadahan munaasibado lamid ah goboladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo degmooyinkooda,iyada oo ay culimo awdiinka goboladda ku kala nool iyo shacabkuba xuseen habeenkii la dheelmiyey Rasuulkeenii Muxamed NNKH.

 

Xigasho: wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com