Golaha Ammaanka oo isla meel dhigay qorshe lagu nabadaynayo Suuriya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ugu dambayntii isla meel dhigay isla markaana ansixiyey qorshe lagu nabadaynayo Suuriya.

Dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa si aan kala hadh lahayn qorshahan u dhiirigeliyey walow xukuumadda Moosko ay markii hore ka dhaga-adaygtay.

Waa markii kowaad ee Golaha Ammaanka uu ka soo baxo qaraar ku saabsan Suuriya shantii sannadood ee dagaalka ba’ani dalkaas ka socday, taas oo uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanku ku tilmaamay guul iyo tallaabo dhinaca nabadda loo qaaday.

Qorshahani wuxu dhigayaa in bisha January la isugu yimaad wada-hadallo dhabada u jeexi doona nabadaynta Suuriya. Gaar ahaan wuxu dhigayaa in 6 bilood gudahood lagu sameeyo dawlad-midnimo-qaran isla markaana 18 bilood gudahood lagu abaabulo doorashooyin dalkaas ka dhaca.

Hase ahaatee Bashaar Al-Asad oo cidiyaha ku dagaalamay lama oga sida uu qorshahan u soo dhawaynayo. Dadka siyaasadda ka faaloodaana waxa ay tibaaxeen in ay aad u adkaan doonto in qorshahani fulo marka la eego wakhtiga loo qabtay oo gaaban.

Barack Obama oo Jimcihii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay Suuriya marnaba nabadi ka dhalan karin ilaa inta uu kursiga ku fadhiyo Madaxweyne Bashaar Al-Asad, sidaas daraadeedna ay waajib tahay in uu Bashaar meesha ka baxo.

Qulqulatooyinka ka socda Suuriya laga soo bilaabo 2011-kii waxa ay galaafteen nolosha 300,000 oo qof, waxayna qaxooti gadhigeen malaayiin qof.