Golaha Deegaanka ee Boorama ayaa ansixiyey miisaaniyad-sanadeedka degmada ee 2018

Xildhibaannada Golaha Deegaaka ee Boorama oo yeeshay kal-fadhigoodii koowaad ee sannadkan 2018 ayaa ansixiyey miisaaniyad-sannadeedka 2018ka ee degmada Boorama.

Sida uu tibaaxay Maayarka Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo warbaahinta la hadlay, 11 xildhibaan oo ka mid ah 21ka xidhibaan ee degmada Boorama ayaa ansixiyey miisaaniyadda.