Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay siyaasada arrimaha dibedda dalka.

Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir-gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa markii uu furmay waxa uu mudanayaasha ku wargeliyay in hawlaha shaqo ee golaha, laba loo kala qaadayo, isla markaana maalmaha Sabtida iyo Axada goluhu siwada jira ugudanayo hawlihiisa shaqo, balse maalmaha Isniinta iyo Salaada ay shaqaynayaan kaliya guddida goluhu u saaray naaqishada xeerarka doorashooyinka ee golaha horyaal.

Guddoomiye Siciid ayaa mudanayaasha ka codsaday inay isu diwaangeliyaan dooda siyaasada arrimaha dibedda iyo shaqada ay qabtaan wakiillada caalamka u jooga dalka, doodaasi ayaa waxay u dhacday sida tan.

Xildhibaanadii kala duwana ee ka qayb qaadanayay dooda siyaasada arrimaha dibedda ee dalka, ayaa ku boggaadiyay Xukuumadda dadaalka ay ka samaysay Siyaasada arimaha dibada, waxaaney intaas ku dareen in baarlamaanka Ingiriisku ku hawlan yahay dooda sidii Somaliland Citiraaf u helilahayd.