Golaha Odayaasha Maraykanka oo u codeeyeany heshiiskii nukliyeerka IiraanB

Maalmihii u dambaysay waxa uu madmadow soo galay heshiiskii nukliyeerka Iiraan ee ay kala saxeexdeen Iiraan iyo shan quwadood oo dunida ah kadib markii ay odayaashe “senate-ka” ee Jamhuuriga ahi ku hanjabeen in ay horjoogsanayaan.

Hase ahaatee maanta ayay ugu dambayntii codeeyeen odayaasha Maraykanku aqlabiyaddooduna waxa ay isku raaceen in aan la hor joogsan heshiiskan taariikhiga ah oo Obama taariikhda u galay maadaama uu ka mid ahaa arrimihii uu ololaha doorashada ku galay.

Heshiiskan waxa si adag uga soo hor jeedsaday Israa’iil iyo xubnaha xisbiga Jamhuuriga ah, gaar ahaan kuwa “congress-ka.” Hase ahaatee Barack Obama ayaa hore u shaaciyey in uu codka qayaxan ee “veto-ga” loo yaqaan kaga hortegi doono isku day kasta oo arrintan la xidhiidha oo ay ku kacaan Jamhuurigu.

Haatan Barack Obama wuxu awood u heli doonaa fulinta heshiiska isaga oo Iiraanka ka qaadi doona cumo-qabataymo door ah taas beddelkeedana ay Iiraan joojin doonto tayaynta nukliyeerkeeda.

Odayga Jamhuuriga ah ee guddoomiyaha u ah aqalka baarlamaanka ee “congress-ka” loo yaqaan John Boehner ayaa ku hanjabay in dedaalka ay rabaan in ay heshiiskan caalamiga ah ku fashiliyaan aanay halkaasi ku joojin doonin.

Hase ahaatee dadka ka faalooda shuruucda Maraykanka ayaa xusay in heshiiskani uu sidaas ku galbaday Jamhuuriguna aanay weligood awoodi doonin in ay ka hor tagaan amaba joojiyaan.

Bandhige@gmail.com