Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta ansixiyey Odoroska miisaaniyada Qaranka ee 2020

Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta ansixiyey Odoroska miisaaniyada Qaranka ee 2020.

Golaha ayaa dood dheer ka dib waxay raaciyeen waxna ka bedeleen Miisaaniyadii dawladu u soo gudbisay golaha waxaanay ku lifaaqeen Goaanadan hoos ku qoran.

Soo Jeedinta Miisaaniyadda 2020.

Soo jeediinta   dooda Mudaneyaasha ee Miisaaniyadda Qaranka 2020 qodobada ka soo baxay  ee lagu ansixiyey Miisaaniyada guud ee Qaranku waa sidan

1) In Madax/xigaha 26404408 ee kabka Xisbiyada laga jaro lacag dhan 3,500,000,000 (Saddex Bilyan iyo shan boqol oo milyan) lacagtaas oo loo wareejinayo Cusbitaalada  waaweyn ee Dalka (Hargeysa, Berbera, Borama, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood)

2) in Mad/xigaha 2211348 ee Miisaaniyadda Wasaarada Arrimaha Dibada ee sanduqa aqoonsi raadinta Somaliland laga jaro 1,500,000,000/= (Hal bilyan iyo shan boqol oo milyan ) Bilyan oo lagu daro qoondada Wakiilada si ay uga qayb-qaataan aqoonsi raadinta.

Soo jeediinta Guddida dhaqaalaha ee Miisaaniyadda qaranka 2020.

1. In Miisaniyadda 2020-ka ee dawladdaha hoose laga saaro miisaniyadda dawladda dhexe madaama oo hore gole goaan uga soo saaray in la kala qaado miisaniyaddaha dawladda dhexe iyo miisaniyadda dawladdaha hoose

2. In Miisaniyadda dawladda hoose ay dib uga wada shaqeeyaan guddida dhaqalaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda arrimaha gudaha, maadama aan miisaniyaddan ina hor taala aanay faah faahsanayn isla markaana ay ka maqantahay qaybtii ka hadlaysay kharashka kuna koobantahay dakhli guud oo kaliya.

3. In Mashaaricaha iyo deeqaha kale ee aan ku jirin Miisaniyadda sanadkan 2020-ka ka wada shaqeeyaan Guddida Dhaqalaha ee Golaha Wakiilada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka si loogu soo daro Miisaniyadda sanadka dambe ee 2021 haddii Allahu ka dhigo

4. In mashaaricaha socda iyo deeqda qaranka oo aan hadda ku dhamayn Miisaniyaddan ay ka wada hawl galaan guddida dhaqalaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta, warbixina looga soo gudbiyo golaha kalfadhiga soo socda.

5. Si loo hubiyo hirgalinta iyo xaqiijinta Miisaniyadda in warbixinta xisaad xidhka uu soo gudbiyo Hanti-dhawraha guud xilliyadda uu u cayimay xeerka hanti dhawr-ka Guud ee Qaranka

6. Waa in la raacaa muddooyinka uu u cayimay soo gudbinta miisaniyadda qaranka sida uu dhigaayo xeerka maamulka maaliyadda taas oo guddida iyo golahaba siinaysa wakhti waafi ah oo lagu falan qeeyo isla markaana laga dodo Miisaniyadda

7. In kaalmada ururka Naafada ee DAN lagu daro Miisaniyadda 2020-ka

8. Waa in la sameeyo hannaan cashuureed oo lagu dhiiri galinaayo waxsoosaarka gudaha.

 

Xafiiska Warbaahinta ee Golaha Wakiilada JSL

Hargeysa Somaliland