Golaha Wakiillada oo ansixiyey miisaaniyadda sannadka 2016-ka oo ay badh ka reebeen

Fadhi ay yeesheen mudanayaasha Golaha Wakiiladu ayaa waxay ansixiyeen miisaaniyadda sannadka 2016-ka oo ay ka reebeen cashuuro dawladdu rabto in ay kordhiso sannadka 2016-ka kuwaas oo Goluhu u ballamay in ay dib-u-eegis ku sameeyaan.

Kal-fadhigan waxa guddoominayey Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxameed Faarax.

Miisaaniyaddan Golaha Wakiiladu ansixiyeen ayaa u muuqata in ay kala dhantaallan tahay. Muddo sannado ahna waa markii koowaad ee ansixinta miisaaniyadda qaranku ay u soo gudubto sannadka cusub.

bandhige@gmail.com