Golaha Wakiillada oo fasax galay kadib gacan-ka-hadalkii shalay

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ay galeen fasax ku siman ilaa Ciidda Carafo kadib, kadib markii ay sidaas soo jeediyeen 12 xildhibaan oo ka mid ah goluhu isla markaana laga aqbalay.

Fasaxan Golaha Wakiilladu wuxu ku soo beegmayaa kadib markii buuq aan noociisa hore loo arag uu ka dhex qaraxay aqalkan qaranka u qaabilsan sharci-dejinta. Waxa feedh iyo dharbaaxo isla dhacay Guddoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan-Cirro iyo Guddoomiye-Xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed-Cadde.

Ka hor intii aanu goluhu maanta go’aankan gaadhin waxa agagaaraha xarunta baarlamaanka la soo tubay boqollaal ciidamada booliska ah si looga hortago rabshado hor leh oo meesha ka dhaca ama loo baajiyo mudaraharaad ay dhici kari lahayd in ay dadweynuhu sameeyaan.

Go’aankani wuxu dib-u-dhac ku noqonayaa kooxdii u ololaynaysay in la ansixiyo heshiiska muranka badan dhaliyey ee lagu sheegay in xukuumaddu ku wareejinayso ganacsato gaar ah, kaas oo Guddoomiyaha Wakiillada iyo xubno mucaarid ah oo uu ka mid yahay musharaxa madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ay ku sifeeyeen in uu yahay mid sharci darro ah, aan loo sinnayn, isla markaana aan soo marin Guddidii Qandaraasyada Qaranka.

Bandhige@gmail.com