Wakiillada oo ka codeeyey mooshin sahli lahaa xil-ka-qaadista maayarrada

Golaha Wakiillada ayaa maanta cod u qaaday mooshin looga dan lahaa in uu fududeeyo hannaanka xilka looga qaadi karo maayaradda degmooyinka Somaliland ee doorashada ku yimid.

Mooshinkani wuxu dalbanayey in aqlabiyad fudud oo cod-dheeri ah lagaga xayuubiyo maayarrada halka xeerka doorashadu dhigayo in saddex melood marka loo qaybiyo xubnaha golaha deegaan ay laba meelood ka codeeyaan.

Fadhigii maanta oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi wax aka soo qayb 52 xildhibaan. 25 ka mid ah ayaa diidday halka 21 ogolaadeen inta kalena ka gaabsadeen.

Sidaas waxa ku dhicisoobay mooshinkan oo ay sida la sheegay ay dabada ka riixayeen xildhibaanno wakiillada ka tirsan iyo kuwo ka tirsan Golaha Deegaanka.

Waxa diyaariyey: Axmed Ceelaabe

bandhige@gmail.com