Golaha Wakiillada Somaliland waxay laaleen heshiiskii lagu wareejinayey Haamaha Shidaalka

War degdeg ah ayaa oo hadda na soo gaadhay ayaa tibaaxaya in Golaha Wakiillada Somaliland ka codeeyeen heshiiskii ay xukuumaddu ku damacsanayd in haamasha kaydka shidaalka ee Berbera ay ku wareejiso ganacsato gaar ah.

Mucaaridka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey sida fiinta uga qaylinayey heshiiskan oo kaalmaha lagu wareejinayey oo ay ku sheegeen in aanu ahayn mid sharci ah maadaama aan dhex looga dhigin ummadda tartan xalaal ahna aan loo gelin.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo shalay la hadlay BBC-da ayaa sheegay in heshiiskan kaydka haamaha lagu wareejinayaa uu yahay mid aan sharci ahayn isla markaana aan loo sinnayn maadaama aan loo tartamin isla markaana aan la soo marin Guddida Qandaraasyada Qaranka.

Bandhige@gmail.com