Golaha Wakiilladu Ma U Yeedhi Karaan Madaxweyne Biixi, Si Wax Looga Waydiiyo Wada-hadalladii Jabuuti?

 

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti, kuwaasi oo laga soo saaray Qodobbo Shacabku shaki ka muujiyeen.

Qodobbada Shacabka reer Somaliland Shakiga ka muujiyeen waxa ka mid ah Qodob fasaxaya ‘Is-dhex-galka’ Bulshada Soomaaliya iyo Bulshada Somaliland, gaar ahaan Ciyaaraha, Ganacsiga, Dhaqanka iyo Fanka, laakiin Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Shalay Telefiishanka Saab waydiiyey siduu u arko Qodobkaasi Shacabku shakiga muujiyeen, waxaanu ku jawaabay “Qodobka is-dhex-galku horeba way ugu jiray heshiiskii hore ee aanu haynay, in badana waynu ka dhex maqlaynay Murankii ka dhex taagnaa Guddiyadii labada dhinac arrintaa is-dhex-galka, waxaana ugu dambayn lagu soo gebogabeeyay wixii aan siyaasad ku shaqo lahayn inay is dhex socdaan, awalna may kala xidhnayn wixii aan siyaasad ku salaysnayn, hadday Fanaaniin tahay, hadday tahay Madax-dhaqameed, arday, Ganacsato, waxa kala maqnaa uun siyaasadda, imikana siyaasadda Heshiisku iskuma fasaxin oo way kala maqan yihiin, lama ogola.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay oo kale “Nin siyaasi ah oo Soomaaliya ka imanayaana halkan iman maayo (Somaliland), hadduu u dhashay iyo haddii kaleba, Nin siyaasi ah oo Reer Somaliland ahi halkaa tagi maayo isagoo Somaliland matalaya, markaa Qodobkaasi wax cusub oo uu ku soo kordhiyey Wada-hadalladii socday ma jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Wada-hadallada bilowgoodii laga ansixiyey Goleyaasha Xeer-dejinta, sidaasi darteed Heshiis kasta loo baahan yahay in Goluhu ansixiyo, waxaanu yidhi  “Wada-hadallada ama Heshiiskan waxa sannadkii 2012-kii Fasaxay Goleyaasha Xeer-dejinta dalka, mar kastana waxa lagu wada-hadlo ama Go’aamo kasta oo la isla qaato waxa waajib ah in Golaha la hor-keeno, Gebogabadiisa iyo Gunaanadkiisa Wada-hadal kasta Golaha ayaa la hor-keenayaa, markaa waxaanu rejaynaynaa in Golaha la horkeeni doono marka ay Guddiyadaasi is arkaan (Guddiyada Wada-hadallada u qaabilsan (Somaliland iyo Soomaaliya) ay soo baxaan heshiis ay labada dhinac wada qanacsan yihiin, la isla eegi doono, dibna loo ansixin doono.”

Xildhibaanka oo la waydiiyey inay suurto-gal tahay in Golaha Wakiilladu u yeedho Madaxweynaha, si wax looga waydiiyo Heshiiskan Shacabku shakiga ka qabaan ayaa ku jawaabay “Ma Muuqato Sabab Madaxweynaha loogu yeedho oo Golaha Hor-taallaa, laakiin haddii laga maarmi waayo oo Arrin timaaddo waa lagu khasban yahay in Madaxweynaha loo yeedho..”ayuu yidhi.

Xigasho: Geeska Afrika