Golaha wasiirada ee Itoobiya ayaa meel mariyey sharci cusub oo lagula dagaallamayo macluumaadka beenta ah

Golaha wasiirada ee Itoobiya ayaa meel mariyey sharci ka hortagaya hadalada nacaybka iyo faafinta macluumaadka beenta ah. Bayaankan cusub waxaa looga golleeyahay in wax looga qabto nabaad-guurka “wadajirka bulshada, xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada qaran,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Rabshado ayaa ka billowday bishii hore qaybo ka mid ah deegaanka oromiya oo sababay dhimashada 86 qof. Taasina Waxay soo ifbaxday kadib markii amniga gobolka lagala noqday Jawar Mohammed, oo leh Shabakadda Warbaahinta Warbaahinta ee Oromada sidoo kalena saamayn kulahaa isbadalkii ka dhacay Itoobiya sanadkii hore.

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay sanadkii hore, Raiisalswasaare Abiy Ahmed wuxuu hirgaliyay ajende dib-u-habeyn ah oo lagu furayo dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika. Wuxuu buriyay cunaqabateyntii mucaaradka iyo kooxaha mucaaradka, wuxuuna soo afjaray labaatan sano oo colaad ah oo ka dhaxaysay dalka deriska la ah ee Ereteriya, dadaalkaasi oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu wadaa in la qabto doorashooyin qaran 2020.

 

Bandhige@gmail.com