Golaha Wasiirada oo ansixiyey Siyaasada Naafada

Siyaaasada horumarinta naafada somaliland ayaa lagu ansixiyey shirkii golaha wasiirada, ka dib markii shirku dhammaaday ayaa waxa warbaahinta la hadlay afhayeenka Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa sheegay waxyaabihii layskula soo qaaday fadhigii shalay ee golaha wasiirada, waxanu bayaamiyey in la soo hordhigay lana ansixiyay xeerka Siyaasada naafada Somalilnd waxanu sidaasi ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayey xarunata Qasriga Madaxtooyada waxaanu yidhi:

“Fadhigii maanta(Shalay) ee golaha wasiirada waxa lagu ansixiyay arrin muhiim ah oo ah siyaasada horumarinta Naafada Qaranka, xukuumadan uu hoggaaminayo Madaxwayne Siilaanyo waxay muhiimada siinaysaa horumarinta Naafada dalkani Naafadduna waa qayb aan laga maarmi karin, Xukuumad iyo shacaba in lays barbar taago ayaa muhiim ah.”

Afhayeenka Madaxtoyada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:

“Madaxwaynha Somaliland hore ayuu u soo saaray wareegto uu ku farayo wasaardaha oo dhan in tixgalin la siiyo naafada dalka in ay u fududeeyaan hawlaha naafada.”

Afhayeenka Madaxtoyada ayaa sharaxay qaabka loo ansixiyay xeerkaasi siyaasada naafada waxanu sharaxay doorka ay ka ciyaarto xukuumadu ilaalinta iyo kobcinta naafada waxnu yidhi:

“Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr.Cabdi Aw Daahir waxa uu golaha hor keenay siyaasada Naafada Qaranka, golaha wasiiraduna duuduub ayay arrintaasi ku ansixiyeen xukuumada Madaxwayne Siilaanyo waa xukuumaddii ugu waxqabadka badnayd xaga naafada iyo dhinac kastaba ,meelo badan baa loo sameeyay, wasaarada  waxbarashadana waan ku hambalyaynayaa oo xil wayn iska saray.”

Siyaasad horumarinta Naafada Qaranka ayaa wax weyn ka tari doonta baahiyaha Naafadada Somaliland.

bandhige@gmail.com