Goleyaasha sharci-dejinta oo maanta u ballansan cod-u-qaadista guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare

Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta u ballansan in ay cod wada-jir ah u qaadaan Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo Madaxweyne Siilaanyo 24-kii May u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Warqad uu xalay Bandhige soo gaadhsiiyey Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xidhiidhka Bulshada ee Golaha Wakiillada Suleymaan Cabdisitaar Dubad,  Xogyahe-Xigeenka Golaha Wakiillada ahna Ku-Simaha Xogyaha Wakiillada ayaa ka codsaday dhammaan xubnaha Golaha Wakiillada in ay shir isugu yimaadaan Arbacada maanta 9.00 subaxnimo kadib markii uu sidaas codsaday Madaxweynaha Somaliland.

Wakiillada Wargelin

Sida ay tibaaxayaan weriyeyaal Bandhige ah oo u kuurgalay isla markaana saadaaliyey natiijada ka soo bixi karta kulanka maanta, waxay u badan tahay in aqlabiyad sare lagu ansixin doono Aadan Xaaji Cali sidaana uu sharci ahaan ku noqon doono guddoomiyihii labaad ee maxkamadda sare intii uu xisbiga Kulmiye talada hayey.

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed wuxu muddo bare sare ka ahaa Jaamacadda Hargeysa marna wuxu ahaa Hormoodka Kulliyadda Nabadda iyo Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa. Sidoo kale Aadan Xaaji wuxu muddo dheer ku soo jiray bulshada rayidka ah isagoo laba sanno guddoomiye ka ahaa Dallada Jilayaasha aan Dawiliga ahayn ee magaceeda loo soo gaabiyo “SONSAF”.

Haddii kulanka maanta lagu ansixiyo, Guddoomiye Aadan waxa hor yaal hawl culus oo ah in uu wax ka qabto hannaanka garsoorka Somaliland iyo sugidda caddaaladda iyadoo cabashooyin iyo dhalliilo baaxad leh ay beryihii u dambaysay ka jireen garsoorka Somaliland, taas oo Madaxweyne Siilaanyo laftiisu uu ku xusay wareegtadii uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali “Yuusuf-Muruq”.

bandhige@gmail.com