Gollaha Wakiilada oo dib u celiyey xeerka qabyo qoraalka Waxbarashada

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Gollaha Wakiilada ayaa maanta dib ugu celiyey xeerka qabyo qoraalka waxbarashada oo ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Gollaha horkeentay, kaasi oo ay sheegeen in xeerkan in aanu ka turjumaynin baahiyaha waxbarasho ee dalka.

Kalfadhigan oo uu maanta Guddoominayey Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Gollaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, waxaanay xildhibaanada ka soo xaadiray ay kaga doodeen qabyo-qoraalka xeerka waxbarashada, kaasi oo ay ku iftiimiyeen in qodobo badan oo muhiim ahi aanay ka muuqan, isla markaana ay lagama maar maan tahay in lagu celiyo wasaaradda waxbarashada, si ay dib u eegis ugu soo sameeyaan xeer ka jawaabi kara baahiyaha waxbarasho.

Ugu horeyn waxaa doodaasi ka hadlay Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shirre waxaanu yidhi:

“Waxa looga baahan yahay in uu yeesho qodobo muujinaya anshax xumida balwada sida qaadka iyo sigaarka, ujeedooyinka manhajkana kama muuqato, markaa waxa haboon maadaama oo labbadaa qodob ee muhiimka ahi aanay ku jirin in dib loogu celiyo wasaaradda waxbarashada. Ma waxaad aragtay meel lagu leeyahay hala iska daayo manhajka, qodobka 42aad ee dastuurkuna waxa uu si cad u qeexayaa in dhammaan dugsiyada Somaliland lagu dhigo manhajka Somaliland u gaarka ah.”

Sidoo kale waxaa isna doodaasi hadalo kooban ka soo jeediyey xildhibaan cabdiraxmaan Cartan waxaanu yidhi:

Xeerkani maaha mid si cad u qeexaya baahiyaha ummadda ee waxbarasho ay uga baahan tahay, markaa waxa haboon maadaama oo aanu xeerku ka jawaabayn baahiyihii jirey waa in dib loogu celiyaa cidii soo dhiibtay.”

Ugu damabayntiina waxa doodaasi ka hadlay xildhibaan Farxaan waxaanu yidhi:

“Wax kale kumay soo qorin heerkii waxbarasho ee ilaa dugsi sarre lahaa, waxa ka maqan siyaasaddii aynu Tacliinta ka lahayn. Maxaynu tacliinta ka leenahay? waxa loo baahan yahay in la soo saaro dad tayo leh oo adduunka u shaqo tagi kara oo adduunka wax ka iibin kara, sidaa daraadeed waxaan soo jeedinayaa in xeerkan dib loo celiyo, waayo ma dhammaystirna oo waa qabyo.”

Xeerkan waxbarashada ayaa imanaya wakhti ay dadka badani shaki weyn ka qabaan tayada waxbarashada oo hoos u dhac weyn ka muujiyiin.

bandhige@gmail.com