Gooni u goosatada Nagorno Karabakh oo isu dhiibay Azerbaijan

Dowladda Asarbajaan iyo wakiillo ka socda Qoomiyadda Armenian-ka ah ee gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno Karabakh, ayaa lagu wadaa in maanta uu wadahadal toos ah uga billowdo magaalada Yevlakh ee Azerbaijan.

Wadahadalka ayaa ku saabsan sida gobolkaasi oo muddo gooni u goosad u halgamayey uu uga mid noqon karo dalka Azerbaijan oo sharci ahaan uu ka tirsan yahay.

Labada dhinac ayaa heshiis xabad joojin ah waxaa Arbacadii dhex dhigay ciidamada nabad ilaalinta Ruushka ee gobolkaas ku sugan, waxaana uu heshiisku dhigayaa in hubka laga dhigo ciidamada gooni u goosadka ah ee ka soo jeeda qowmiyadda Armeeniyaanka ah ee u badan gobolka, iyo in ciidamada dalka deriska ah ee Armenia ay aaggaasi faaruqiyaan.