Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Wakiillada ayaa dadweynaha wax ka waydiiyey Xeerka Argagixisada

????????????????????????????????????

Kulan noociisu dhif yahay ayaa Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Wakiilladu huteelka Fish and Stake House ugu qabteen dadweyne door ah si ay wax uga ogaadaan aragtidooda ku aaddan xeerka qabyo-qoraalka ah ee lagaga hortagayo argixisada.

Kulanka oo socda laba maalmood maalin kale oo dheeraad ahna sii socon doona waxa ka qayb-galay bahda garsoorka, qareenno, ururada xuquuqal-insaanka iyo daneeyayaasha bulshada. Kulanku wuxu sii socon doonaa ilaa maanta oo Salaasa ah.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo Isniintii kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in xeer kasta ka hor inta aanu dhaqan-gelin lagu tijaabiyo dadweynaha maadaama marka uu xeerku hirgalo iyaga lagu dhaqi doono.

Guddoomiye Tukaale wuxu bulshada Somaliland u soo jeediyey in ay si dhaw ula socdaan xeerarka ay Wakiilladu sameeyaan isla markaan fikradahooga ka dhiibtaan.

Waxa isaguna kulanka ka hadlay Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan wuxu wakiillada ku ammaanay furfurnaanta iyo sida ay xeerarka cusub bulshada uga talo-geliyaan, sidoo kale wuxu bulshada ugu baaqay in ay fursaddan ka faa’iidaystaan oo fikradahooga ku darsadaan xeerkan muhiimka ah.

bandhige@gmail.com