Guddida heer qaran ee Xanuunka Covid19 ayaa maanta Abaalmariyey laba hawl wadeen oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka kuwaasi oo kaalin mug leh ka qaatay wacyi gelinta Xanuunka Covid 19

Guddida heer qaran ee Xanuunka Covid19 ayaa maanta Abaalmariyey laba hawl wadeen oo ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo  kaalin mug leh ka  qaatay wacyi gelinta Xanuunka Covid 19.

 

Labadan Muwaadin oo kala ah:-

 

1. Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma)

2. Axmed Aadan Xaaji Ibraahim

 

Guddida heer qaran oo Hawl wadeenadaasi Lacag ku abaal mariyay ayaa sheegay inay ku mutaysteen dedaalkii balaadhnaa ee ay samayeen iyo doorkii wacyigalineed ee ay qaateen.