Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL.

Fadhigani oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxaa ka qayb galay Xubnaha gudidaasi iyo madaxda Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu horkacayay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Muuse Xasan Yuusuf isla markaana ay wehelinayeen la taliyeyaasha sharci ee Komiishanka iyagoo halkaas ka soo jeediyey dhamaan caqabadaha iyo gal daloolooyinka ku jira Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururada Iyo Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011.

Waxaa kale oo ay Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL u gudbiyeen sixitaanka xeerarkaas.

Dhanka kale waxay guddidu kulan kale la qaateen Gudoomiye ku-xigeenka Ururka siyaasadeedka Hilaac.