Guddida joogtada ah ee Wakiilladu waxa ay kulan wada-xisaabtan ah la yeesheen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Guddida Joogta ah ee Golaha Guurtida ayaa Sabtidii kulan la yeeshay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad si ay su’aalo uga weydiiyeen arrimo la xidhiidha xilka uu hayo. Sidoo kale Guddidu waxa ay maareeyaha su’aalo ka waydiiyeen halka uu marayo mashruucii biyo-ballaadhinta Hargeysa.

Saxaafadda looma ogalayn in ay kulanka ka qayb-galaan hase ahaatee dhammaadkii kulanka waxa saxaafadda la haydlay Axmed Ducaale Bullaale oo ah Guddoomiye-Xigeenka Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, wuxuna yidhi:

“Waxaanu kulan la yeelanay Mareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Waxanu wax ka waydiinay xaaladda biyaha Hargeysa, mashruuca biyo-ballaadhinta iyo mustaqbalka biyaha Hargeysa. Runtii Maareeyuhu wuxu na siiyey warbixin faahfaahsan” ayuu yidhi Xildhibaan Bullaale.

Dhinaca kale Maareeye Ibraahim Siyaad oo saxaafadda u waramay isla markaana qoraal kooban ku baahiyey bogga uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay in uu ku faraxsan yahay kulanka uu Guddidan la qaatay.

“Waan ku faraxsanahay kulanka aan Guddida Joogtada ah ee Wakiillada la yeeshay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah. Waxanu is-waraysi ka yeelanay xaaladda biyaha, mashaariicda socda iyo qorsheyaasha mustaqbalka” ayuu yidhi Ibraahim Siyaad.

Maareeyuhu wuxu sheegay in kulanka ay isaga iyo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu wada qaateen ku dhammaaday guul iyo af-garad.

Hoos ka daawo muuqaalka Star TV ee kulankan:

Bandhige@gmail.com