Guddida Nabedgalyada Gobolka Sool waxay soo saareen go’aamo lagu xoojinaayo Nabedgalyada Gobolka xiiliga doorashooyinka

Guddida Nabadgelyada ee gobolka Sool ayaa soo saaray siddeed qodob oo lagu xoojinaayo Nabedgalyada Gobolka xiiliga doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha deegaanka iyo Wakiillada.

Go’aamadaasi ayaa u dhignaa sidan:.

Qabashada Hubka , Gadiidka aan Taarikada lahayn, Adkaynta Nabadgelyada Wakhtiga Kala guurka, Qoriga la qabto in lahaynayo 3 bilood oo u dhiganta 90 cisho, Qofkii aan Ciidan ahayn ee lagu qabto Tuute isagoo xidhan sharciga ayaa la horgaynayaa. n aan hub lagu qaadan karin magaalada dhexdeeda qofkii lagu qabto waa dambiile sharcigaana la horgaynaya. Baabuurta wareegta Saacadaha dambe habeenkii ee la garan waayo shaqada ay hayso, waa la qabanayaa iyo Baabuurta Bersoll (Bacda lagu dhajiyo Muraayada) leh waa laga goynayaa.

Xigasho: Wargeyska Dawan.

bandhhige@gmail.com