Guddida Qabanqaabada Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo la magacaabay

Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Axmed Cabdi Kaahin ayaa soo saaraay warsaxaafadeed uu ku magacaabay, Guddida Qabanqaabada Ciyaaraha Gobollada Somaliland ee sanadkan 2015.

Guddigan uu  wasiirku magacaabay ayaa ka kooban 11 Xubnood, waxaanu wasiirku ku amray in sida ugu dhakhsaha badan u bilaabaan waajibaadkooda shaqo ee loo xilsaaray, taasi oo ah inay ka baaraan-degaan wakhtiga ugu macquulsan ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland ay qabsooomi karaan, muddada la bilaabaayo, iyo dhamaan baahiyaha kala duwan ee ku xidhan qabsoomida tartanka Ciyaaraha Gobolada Jamuuriyada Somaliland ee sanadkan.

Ciyaaraha Gobolada Somaliland ayaa sanadkan waxaa loo qoondeeyey si ka duwan sidii loo qaban jiray sanadadii hore iyada oo hal meel uun lagu qaban jiray, hase yeeshee sanadkan waxa loo qaybiyey saddex Gobo loo kala duwan iyada oo wejiga hore ka dhici doonaan magaalooyinka Burco iyo Borama, halka wejiga labaadna la iskugu iman doono  Hargeysa.

Warsaxaafadeedka uu wasiirku ku magacaabay guddidan ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Magacyada guddida ciyaaraha