Guddidii loo magacaabay deminta sixir-bararka oo la kulmay shirkadda Dahabshiil

????????????????????????????????????

Guddidii Madaxweynuhu u igmaday in ay ka soo talo bixiyaan sicir-bararka ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta iyo maamulka Shirkada Dahabshiil Group sida ku dhigan war-saxaafadeedka hoose oo goor dambe oo xalay ahayd ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Waxa si xidhiidha u socda kulamadii ay Guddida Sicir bararka Madaxweynuhu u magacaabay ay maalmahan shirar kala duwan la yeelanayeen Masuuliyiinta Sarsare ee Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Shirkadaha xawaaladaha iyadoo ay galabtana guddidu la kulmeen Maamulka iyo Masuuliyiinta sare ee Shirkadda Dahabshiil Group.

Muhiimadda shirarka ay Gudidii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u xilsaaray inay soo baadho kana soo tallo bixiso sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) oo weli ku guda jira u kuurgelida xaalada sicir bararka, iyagoo ku hawlahan sidii ay uga gun-gaadhi lahaayeen, xogo dheeraadana uga heli lahaayeen ilaha u dhuun daloola suuqyada iyo sarifka lacagaha kala duwan ee suuqyada ku jira ayaa halkii ka sii wada dedaalkoodii iyagoon tan iyo markii la magacaabay aan ka daalin arrimahaasi.

????????????????????????????????????

hadaba kulankan galabta oo ka qabsoomay Qasriga madaxtooyada ayaa lagu lafa-guray arrimo dhawra iyadoo la is dhaafsaday fikiro muhiima oo furre ama dariiq u noqon kara xal u helida sababaha keenay in sicirku kor u kaco.

Shirkan ayaa la xidhiidha ama daba socda shirar dhawra oo gudidu hore ula yeelatay Sariflayaasha, Shirkadaha & dad ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha iyo sicirka lacagta, iyagoo halkaa ka sii wadi doona dedaalka ay ugu jiraan shirar noocan ah, iyadoo guddidu shirar la yeelan doonto cid kasta oo ay u arkaan in ay fikrado iyo talooyin la xidhiidha sidii loo soo afjari lahaa sicir bararka dalka ka jira, ujeedada guddiduna taasi ku qotonto ama salka ku hayso.

Ugu danbayn waxa halkaasi lagu falanqeeyey oo ay guddida iyo Masuuliyiintii ka socday Shirkada Dahabshiil Group kaga wada hadleen arrimo muhiima oo la isla qaatay in ay xal u noqon karto in halkiisi lagu soo dabaalo sicir bararka saameeyey suuqyada waa weyni iyo dhaqaalaha dalkaba.

Bandhige@gmail.com