Guddiga abaaruhu waxay gacansatada iyo ha’yadaha caalamiga ugu baaqeen inay u gurmadaan dadka abaaruhu saameeyeen

????????????????????????????????????

Guddiga abaaraha oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magaabay oo Guddoomiye u yahay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shir-saxaafadeed ku qabtay qasriga Madaxtooyadda ugu baaqay gacansatada iyo ha’yadda caalamiga inay u gurmadaan dadka abaaruhu saameeyeen.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Sacad cali shire  oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay dalka sanadkan ka dhacday abaar aad u darani.

Taas oo si wayn u saamaysay nolosha dadka  wasiir sacad cali shire ayaa ka dhawaajiyey in wadanka oo dhan ay abaari ka jirto balse  ay ugu daran yihiin Gobolada Galbeedka, gaara ahaan gobolada Salal, Awdal, gabiley iyo Maroodi-jeex taas oo saamaysay dad iyo xoolaba wasiirka ayaa ugu baaqay in cidkasta oo waxtari karta dadkaasi ay abaartu hayso ay wax soo taraan.

Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil saylici oo ah Guddoomiyaha Guddiga abaarah ayaa isna sheegay in sannadkan abaarta inagu dhacday aanay hore inoo soo marin marka la eego abaarihii hore ee la arki jiray. Saylici ayaa intaa ku daray in ay  si wayn u taabatay nolosha dadka iyo xoolahaba.

Madaxweyne-xigeenka ayaa ka waramay sida ay dawladdu dhinaceeda uga jawaabtay abaarahaasi isagoo xusay in ay Goboladda ay ugu daran tahay abaartu ee Galbeedka laga bilaabay biyo-dhaamis.

Waxa kale oo uu balan qaaday in dawladdu markasta ay doorkeeda ka ciyaari doonto wax gaadhsiinta goboladda ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

Ugu danbayn Saylici ayaa baaq u diray hay’adaha caalamiga, qaadhaan bixiyayaasha, wadsamada Somaliland taageera iyo ganacsatada dalka guud ahaanba In ay ka qayb qaataan taakulaynta dadka ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.

Abaar baahsan ayaa sanadkan ka dhacday  guud ahaan waddanka gaar ahaan Gobolada Galbeedka waxana taakulayntii ugu horaysay waxay xukuumaddu u diray biyo-dhaamis.

bandhige@gmail.com