Guddiga booyadaha iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyahu waxay ku dhawaaqeen qiimayaal kala duwan oo Hargeysa biyaha lagaga iibiyo

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha iyo Guddiga booyadaha ka hawl gala Hargeysa ayaa wadajir u qabtay shir jaraa’id Xafiiska Mareeyaha wakaalada Biyaha ku shaaciyeen qiimayaal ay sargooyeen in lagaga iibiyo bulshada xaafadaha kale duwan ee Hargeysa.

Waxaa ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis waxaanu sheegay in go’aankoodan oo saamaynayo biyaha ay iibiyaan gaadiidka kala ah booyadaha, dameeraha iyo mootooyinka ka shaqeeya in ay biyaha gaadhsiiyaan meelaha aan kuwa wakaaladda gaadhin sida degmooyinka Kood-buur, Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe,

Maareeyahay oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:

‘’Waxaanu Guddiga booyadlayda isla qaadanay in ay dhawraan oo u aad ugu naxariistaan dadka degmooyinka Hargeysa ee ay biyaha gaadhsiiyaan, qiimaha ay biyaha kaga iibinayaana uu noqdo mid aannu isla ognahay, mararka qaarkood waxa laga yaabaa in Jiilaal iyo adayg soo maro, Hase ahaatee in waqtigan inta dhexeeya 9 kun ilaa 12 kun oo shillinka Somaliland ah uu noqdo qiimaha foostada biyaha ahi, iyadoo qiimuhu ku kala salaysaan doono sida kolba degmooyinku uga kala fog yihiin meelaha biyaha laga soo dhaamiyo.”

Sidoo kale waxa uu ka waramay mareeyuhu in ay jirto nidaam diiwaangelin leh oo ay u sameeyeen dhammaan dameeraha biyaha ka dhaamiya ee Hargeysa oo mid kasta loo sameeyey lambar iyo xog dhamaystiran oo lagala xidhiidho, isla markaana ay ku maamuli doonaan qiimahaas go’an in ay ku iibiyaan biyaha.

Sidoo kale waxa isaguna ka hadlay shirkan jaraa’id Guddoomiyaha booyadaha biyaha dhaamiya ee Hargeysa Xiis Cumar Muxumed, oo sheegay inay guddi ahaan qiimaha biyaha booyadaha u jareen in foostada lagaga iibiyo 9 kun oo shillin xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, lacag dhan 10 kun shillin uu noqdo qiimaha foostada ee degmada Axmed Dhagax, halka labada degmo ee Koodbuur iyo 26-ka June laga siiyo 12 kun, iyadoo qiimahaasi lagu saleeyey sida degmooyinku uga kala durugsan yihiin dooxdayada dhanka bari ee ay booyaduhu biyaha ka soo dhaamiyaan.

Waxaanay halkaasi Maareeyaha iyo guddigu shaaca kaga qaadeen lacag qayb ka ah cashuurta wadda-marista gaadiidka oo Wakaaladda Biyaha iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ka bixiyaan booyadaha, taas oo ahayd xalkii lagu soo afjaray cabashadii iyo mudaharaadkii ay booyaduhu shaqada ku joojiyeen muddo haatan laga joogo in ku dhaw laba sanno markii cashuurta lagu kordhiyey.

Xaafadaha biyaha Wakaaladda helay ayaa waxay ku cabaan biyaha shantii foosto qiimaha dhan 95oo, halkan xaafadahan ay booyadaha, dameerada iyo mootooyinka biyaha dhaamiya kaga iibsan doonaa qiimaha wakaalada biyuhu siiso shanta fooosto.

Qiimayaashan kale duwan ee ay sarjareen Guddiga iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysi iibinta biyaha Hargeysa ayaa keeni kara in booyadaha biyaha dhaamiyaa biyaha geeyaan dhinaca lacagta qaaliga ah ka helayaan.