Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka oo saddex bilood u qabtay shaqaalaha caafimaadka ee aan is-diwaangelin

Guddida Mihnadleyaasha caafimaadka oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay diginiino u direen cid kasta oo adeeg caafimaad bixisa oo aan ka diiwaan-gashanayn guddidaas.

Waxaana ugu horeyn ka hadlay shirkaasi jaraa’id Gudoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha caafimaadka Axmed Xaashi Oday waxaanu sheegay in ujeedada loo sameeyey guddigani ay tahay sidii ay u ilaalin lahaayeen tayada caafimaadka,waxaanu xusay in ay guddigani awood u leedahay faro galinta cid kasta oo qabata adeeg caafimaad, hadii ay tahay mid waxbarasho ama mid daaweyneedba, Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi:

“Waxaanu awood u leenahay in aanu galno goob kasta oo caafimaad si aanu u hubino in shaqada goobtaasi iyo dhaqaalaheedu ay waafaqsan yihiin xeerka mihnadaha caafimaadka.Waxaanay mihnadlayaashu go,aan ka gaadhi karaan inay anshax mariyo hawl wadeenada iyo goobaha caafimaadka mid gaar ah iyo mid guudba. Sidoo kale guddigu waxa uu awood sharci u leeyahay ogolaasho siinta iyo ka qaadista goobaha ka shaqeeya bixinta adeegyada Waxbarasho ama bixinta barnaamijyada caafimaadka, ayuu yidhi gudoomiye Oday.

Mar uu ka hadlaayey Guddoomiyuhu qodobo dhawr ah oo u qabsoomay guddiga intii ay jireen, waxa uu yidhi:

“Waxaa komishankan ilaa hadda u suurto gashay in uu diiwaan geliyo 2150 oo shaqaale caafimaad ah, muwaadiniin iyo ajanabina ka kooban, Waxaanu komishanku ruqsad shaqo siiyey ilaaha hada 51 qof kuwaasi oo ah kuwa sifo sharci ah u shaqeeya, waxaana noo suurto gashay in aanu qiimeyn ku sameyno 5 jaamacaddood oo dhiga cilmiga caafimaadka iyo 12 cusbitaal oo ku kala yaala Gobollada dalka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu gudoomiyuhu digniin u soo jeediyey dadka aan iyagu iska diiwaan galin guddigan, waxaanu yidhi:

“Waddankeena waxa jooga dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad oo ajanabi ah kuwaasi oo ka hawl gala xarumaha caafimaad ee gobollada iyo degmooyinka, kuwaas oo qaar ka mid ahi aanay soo gudbin waraaqihii iyo shahaadooyinkii caafimaad ee ay siteen, waxaan ugu baaqayaa kuwaasina in ay cadayntooda ku soo gudbiyaan muddo saddex bilood ah taasi oo ku eeg 31 december 2015-ka, cidii soo gudbin waydana taalabo ayaa laga qaadi doonaa.’’

Guddiga mihinadlayaasha caafimaadka Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxay dardar galiyeen tayada caafimaadk Somaliland, iyadoo horena uga mabnuucday xayaysiinta goobaha caafimaad ee aanay iyagu hubin, waxaanu halkaasi kula dardaarmay saxaafada oo uu ku booriyey in ay ka taxadiraan fariimaha caafimaad ee ay dadku bulshada u gudbinayaan.

bandhige@gmail.com