Guddiga qiimaynta sicir bararka oo kulan ku yeeshay Madaxtooyadda

????????????????????????????????????

Waxa shalay galab ka dhacay Madaxtooyadda shir ay iskugu yimaadeen guddigii sicir bararka oo uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, guddigaas oo soo qiimanayey xaalada sicir bararka ka jira dalka.

Shirka ujeedada shirka ayaa waxay ahayd in la helo xog taabo gal ah oo ku saabsan sicir bararka, in xogtaa la uruuriyo in dulucdeeda iyo go’aankeeduna uu noqdo sidii kor loogu qaadi lahaa Shilinka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay lacagteenu noqoto mid qiimo leh.

Sida ay sheegeen guddigan waxa hadhsan shirar kale oo ay la yeelan doonaan shirkadaha Telesom, Dahabshiil iyo niman dhaqaale yahano ah oo talooyin la weydiinayo iyo cidii kale ee baayacmushtar ah ee ay arrintani khusayso.

Guddigan ayaa wali wax la taaban karo ka soo saarin xaalada sicir bararka Somaliland, balse wali wada-tashiyo ay la yeelanay qaybaha kala duwan ee ay khusayso arrimaha sicir bararku.

 

bandhige@gmail.com