Guddigii abaaraha iyo wefti ka socda dawladda Imaaraadka ayaa ku dhawaaqay in la bilaabi doono wajigii labaad

????????????????????????????????????

Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil saylici oo ah Guddoomiyaha Guddiga uu madaxweynuhu u magacaabay abaaraha Goboladda Galbeedk iyo weftigii ka socday imaaraadka Carabta oo uu hoggaaminaayey Jumca khamiis oo dhawaan dalka u yimid baaqa abaaraha, ayaa maanta shir-saxaafadeed ay ku qabteen Madaxtooyada waxa ay si wada jira shaaca uga qaadeen in la bilaabi doono qaybinta wajigii labaad ee taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen.

Jumca khamiis oo hogaaminayey waftiga ka socday wadanka imaaraadka carabta gaar ahaan hay”adda khayriga ah ee Al-khaliifa Foundation ayaa sheegay inuu sooo diray madaxweynaha dawladda Imaaraadka carabta khaliifa binu saayid al nahyaan.

Si ay u soo indha indheeyaan xaalada abaaraha iyo saamaynta ay dadka ku yeelatay masuulkani ayaa ugu horayn u mahadnaqay madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka sida wanaagsan ee ay dalka ugu soo dhaweeyeen, Jumca khamiis ayaa sida oo kale sheegay in ay soo kormeereen meelo ka mida dhulka ay abaaruhu saameeyeen halkaasi oo ay ku soo arkeen saamaynta xun ee ay abaaruhu ku yeesheen deeganadaasi, waxaanu si rasmiya u shaaciyey in si dhakhsaa dadkaasi taakulo loola gaadhi doono hadii illaahay yidhaahdo iyaga oo iska kaashanaya guddiga abaaraha u xilsaaran.

Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici oo ah Guddoomiyaha Guddiga abaaraha ayaaa sheegay in ay si wayn u soo dhaweynayaan waftigani ka socda dawlada Imaaraadka Carabta ee sida dhakhsaha ah uga soo jawaabay baaqii madaxweynaha.

Baaqii madaxweynuhu u diray beesha caalamka kaas oo ahaa in la taakuleeyo dadka ay abaaruhu saameyeen, madaxweyne-ku-xigeenka ayaa ka dhawaajiyey in sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabi doono qaybinta gargaarka loo qorsheeyey dadka ay baaruhu wax yeeleeyeen.

Waxa kale oo u sheegay in loo kala horaysiin doono qaybinta gargaarka sida loo kala daran yahay ee abaartu u kala saameeyeen dadka iyo xoolahaba.

Gobolada Galbeedka iyo waqooyiga dalka ee abaartu saameeyeen ayaa waxa hore gargaarkii ugu horeeyey gaadhsiisay xukuumada Somaliland iyadoo u sii marisay Guddiga abaaraha oo iyana ku sii wareejiyey Guddoomiyeyaasha Gobolada abaartu ka jirto.

 

bandhige@gmail.com