Guddoomiyaha Baanka Dhexe ayaa ku wareejiyey Duqa Degmada Salaxlay Cagaf-cagaf cusub oo Baanka Dhexe JSL U Maalgeliyey

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ayaa ku wareejiyey Duqa Degmada Salaxlay Cagaf-cagaf cusub oo Baanka Dhexe JSL U Maalgeliyey.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali Ibaahim Jaamac ‘Baqdaadi’ oo uu weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed, Maayirka Degmadda Sallaxlay Mudane Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) ayaa maanta si wada-jir ah u soo bandhigay Cagaf-cagaf (Bulldozer) casri ah, taas oo Baanka Dhexe ee JSL uu Horumaris ahaan ugu maalgeliyey Degmada Sallaxlay.

Cagaf-cagaftan oo ay baahi wayn u qabtay degmadda Sallaxlay ayaa wax wayn ka qaban doonta dhismaha Jidka Hargeisa Sallaxlay,

Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL ayaa Maayirka Degmada Sallaxlay ku wareejiyey Furayaasha Cagaf-cagafta oo Model-keedu yahay LW500FN, culayska ay markali ah qaadi kartaana yahay (Rated Operating Capacity) (5000 kg), Taariikhda cagaftan la sameeyayna uu yahay 2019, (Manufacture Year).