Guddoomiyaha Baanka JSL iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane; Cali Ibraahim Jaamac iyo wafti balaadhan uu oo hogaaminayo ayaa safar shaqo maanta ku tagay Magaaladda Gabiley iyo magaalo ganacsiyeedka Tog-wajaale, ee gobolka Gabiley.

Safarkan oo ujeedkiisu ahaa indho indhayn xaaladda Ganacsi ee magaaladda tog-wajaale iyo kormeer laanta Baanka Dhexe ee Gabiley.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe iyo waftiga uu hogaamiyo, waxaa si balaadhan ugu soo dhaweeyey gobolka Gabiley, Madaxda Gobolka, ta degmadda Gabiley, iyo degmadda Togwajaale.

Waxaa ay dhamaantood uga war-bixiyeen Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL xaaladda Gobolka ee dhaqan dhaqaale, intaa ka bacdi Guddoomiyaha iyo waftiga uu hogaaminayo waxaa ay soo indho-indheeyeen Degmadda Tog-wajaale Daanta Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, Guddoomiyaha iyo Waftigiisu waxaa indhahooda ku soo arkeen 14 Baan Ganacsi oo ka furan Degmadda Wajaale Daanta Itoobiya.

Inta ka dib, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane; Cali Ibraahim Jaamac, waxaa uu u sheegay Madaxda Gobolka Gabiley in uu dhawr bilood ka hor uu u soo diray guddi xaqiiqo raadin ah oo soo qiimaysa Xaaladda dhaqan dhaqaale ee Degmadda iyo baahidda Degmadda Wajaale u qabto in laga furo laan Baanka Dhexe ee JSL leeyahay.

Ugu danbayntii, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, waxaa uu ugu bushaareeyey reer Tog-wajaale in guddidaasi war-bixinta ay ka soo diyaarisay Degmadda uu ku qancay, isla markaana uu imika ku hawlan yahay sidii uu Baanka Dhexe ee JSL uu Laan ugu yeelan lahaa Degmadda Tog-wajaale, hawshaasina ay meel wanaagsan marayso.

Dhinac kale, Guddoomiyaha iyo waftigiisu waxaa ay kormeer ku saabsan xogogaal u noqoshadda laanta Gabiley iyo xaaladda shaqaalaha ku soo mareen laanta uu Baanka Dhexe ku leeyahay Gabiley, halkaas oo uu Guddoomiyahu ka dhagaystay Xaaladda guud ee laanta iyo ta shaqaalahaba Maamulaha laanta Gabiley, Mudane; Maxamed Jaamac Nuur oo si faahfaahsan uga war-bixiyay xaaladda guud ee laanta, ugu danbayntii Guddoomiyahu waxaa uu balan qaaday in qabyadda ka muuqata laanta Gabilay si dhakhso ah wax uga qaban doonaan.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, waxaa safarkan ku wehelinayey, Agaasimaha Waaxda Xisaabaha Guud, Mudane; Cabdirashid Cabdillahi Jaamac, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda Lacagta, Mudane ;Maxamed Cabdillaahi Cali, Agaasimaha Waaxda Kormeerka Haayaddaha Maaliyadeed, Mudane; Cabdiraxmaan Muuse Cabdi, Agaasimaha Waaxda Dabogalka Haayaddaha Maaliyadeed, Mudane; Mawliid Faarax Muuse iyo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Arrimaha Dibadda Mudane; Mukhtaar Cumar Cali, Agaasime ku-xigeenka Waaxda farsamadda Jamaal Macalin iyo Xoghayaha gaarka ah ee Gudoomiyaha Mudane; Cabdirisaq Maxamed Cumar.

Image may contain: 4 people, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 5 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 3 people, people standing and flowerImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 3 people, suitImage may contain: one or more people, people standing and outdoor