Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo xilkii kala wareegay guddoomiyihii hore

Xaflad si weyn loo abaabulay oo Isniintii lagu qabtay hoolka Maxkamadda Sare ee Goodirka loo yaqaan ayaa xilkii loogu kala wareejiyey guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare iyo guddoomiyaha cusub.

Marti-sharaftii xafladda xil-wareejinta ka soo qaybgashay waxa ka dhex muuqday Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, Madaxweyne-Xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, taliyeyaasha ciidamada booliska iyo asluubta Maxamed Iimaan Fadal iyo Maxamed Xudhuun iyo marti-sharaf kale oo ka kala socday qaybaha bahda caddaaladda.

Madaxdii ka soo qayb-gashay xafladdan waxa ay guddoomiyaha cusub kula dardaarmeen in uu ku dedaalo sidii uu u sugi lahaa caddaaladda waxayna ugu duceeyeen in Ilaahay ku asturo xilkan culus ee uu qaaday.

Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed wuxu sheegay in uu ku dedaali doono in uu caddaaladda daadejiyo oo kiisaska sahlan oo dhan lagu qaado degmooyinka, taas oo keenaysa in caddaaladdii ay dalka oo dhan ku baahdo isla markaana ay shaqo ka heli doonaan garsooreyaal iyo qareenno cusub ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland oo xalay telefishannada qaar ka hadlay fikradahoodana ka dhiibtay ayaa muujinayey rajada ay ka qabaan guddoomiyaha cusub oo ay u arkaan nin da’yar oo aqoon sare leh isla markaana isbedel u horseedi kara hannaanka garsoorka qaranka oo sannadihii u dambeeyey cabashooyin badani ka jireen.

Cilmi-badhis uu 2013-kii sameeyey Komishanka La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Maamul-wanaagga ayaa shaacisay in dadku garsoorka qaranka u arkaan hay’adda saddexaad ee ugu musuqmaasuqa badan dalka.

Cabashooyinka ka jiray garsoorku waxay ay keeneen in Madaxweyne Siilaanyo warqaddii uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii hore ee maxkamadda ku xuso jiritaanka cabashooyinka ay dadweynuhu ka qabaan garsoorka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare waxa hor yaal imtixaan ah sidii uu wax uga qaban lahaa una kala furfuri lahaa garsooreyaal iyo madax ka tirsan caddaaladda oo lagu xanto in ay ku mameen dhaqaale ay ka helaan dadka ay wax u kala xukumaan iyo sidoo kale wada-xisaabtan la’aan baahsan oo la sheego in ay hannaanka garsoorka ka dhex jirto taas oo garsoorihii wax xukuma aanay jirin hannaan lagu qiimeyn karo caddaaladda xukunnada uu rido.

Hoos ka daawo muuqaalkii xilwareejinta:

bandhige@gmail.com