Guddoomiyaha cusub ee Wajaale ayaa xilkii kala wareegay guddoomiyihii hore

 

Guddoomiyaha cusub ee Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi ayaa maanta si rasmi ah madal la isku arkay oo Wajaale ka dhacday xilka kagala wareegay guddoomiyihii hore Aadan Muuse Cilmi “Aadan-Shiine.”

Waxa madasha xil-wareejinta ka soo qayb galay dadweyne tiro badan iyo maamulka gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi maayarka magaalada Gabiley Maxamed-Ammiin Cumar Cabdi madax kale iyo saraakiil.

Xaashi ayaa hore 4 sanno iyo dheeraad maayar uga soo ahaa magaalada Wajaale halka maayarka uu xilka kala wareegay laftiisu uu laba jeer kala duwan xilkaa qabtay.

bandhige@gmail.com