Guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa hakiyay lacagaha lagu soo rogay ardayda dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Borama

BORAMA – Guddoomityaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi ayaa xafiiskiisa ku qaabibiley guddoonka waxbarashada ee gobolka Awdal, xubno ka mida golaha degaanka iyo dhammaan maamulayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay ee gobolkaasi.’

Kulankan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay wax ka qabashada lacagta dugsiyada gaarka loo leeyahay ay ku kordhiyeen ardayda wax ka barata dugsiyada hoose dhexe iyo sarre ee degmada Borama.

Dood iyo falanqayn dheer oo lagu lafa-gurayay lacagta dugsiyada gaarka loo leeyahay ay ku dareen lacagtii hore ay uga qaadi jireen ardayda, waxa la isla-waafaqay in aanay waalidiinta iyo ardaydu qaadi karin xilligan lacag la kordhiyo, waxaanay tilmaameen in ay nabadgelyodarro horseedi karto, waxaanay soojeediyeen in gabi ahaanba lacagtaasi dheeraadka ah ee ardayda lagu kordhiyay halkaasi lagu hakiyo.

Kulamada ayaa sii socon doona, waxaanay xuseen in toddobaadka soo socda go’aan rasmiya oo waalidiinta iyo ardaydaba ka farxiya laga soo saari doono, lacagaha lagu kordhiyay ardayda wax ka barata dugsiyada gaarka loo leeyahay ee magaalada Borama.

Guddoomiyaha dugsyada gaarka loo-leeyahay Mustafe Maxamuud Alla-bari, ayaa sheegay in aanay ogolayn wixii waalidiinta iyo ardayda culays ku ah, isla markaana nabadgelyo darro abuuri kara, waxaanu caddeeyay in korodhkaasi lacageed ay hakiyeen.
Xasan Daahir Xadi Guddoomiyaha gobolka Awdal, ayaa maamulayaasha uga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen yeedhmadii ay u direen, waxaanu tilmaamay in aanay raali ka ahayn lacagta laga qaado ardayda korodhka lagu sameeyay, waxaanu xusay in ay culays ku tahay waalidiinta, waxaanu intgaas ku daray in go’aanka wax lagaga qabanayo korodhka lacagta laga qaado ardaydu uu guud ahaan uwada yaalo waalidiinta, maamulayaasha iyo masuuliyiinta kale ee gobolka.

Waxaanu xusay in ay go’aan deg deg ah ka soo saari doonaan, isla markaana uu rajjo weyn ka qabo in go’aankaasi uu noqon doono mid kawada farxiya waalidiinta iyo ardayda.