Guddoomiyaha Gobolka Awdal waxa uu hadhimo-sharafeed u sameeyey madaxweynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Aw Cali Ramaax ayaa hadhimo-sharafadeed u sameeyey madaxweynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo odhayaasha dhaqan gobolka Awdal.

Hadhimo-sharafeedkan ayaa kulmisay madaxda dhaqanka, culimadda, wasiiro, Salaadiin, wax-garadka gobolka Awdal iyo madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin.

Dhammaan masuuliyiinti ka hadlay hadhimo-sharafeedkan ayaa soo dhaweeyey kulanka oo ay ku tilmaameen inuu kulmay madaxda kale duwan iyo madax dhaqameedka gobolka, waxaanay sheegeen in kulanka yahay mid taariikhiya.

Ramaax oo hadhimo sharafeedkan hadalo kooban ka jeediyey ayaa u mahad-naqay madaxweynihii hore ee Somalialnd Daahir Rayaale Kaahin oo u hadhimo-sharafeedkan ku maamuusay.

Ramaax oo ka hadlayey ujeedada hadhifo sharafeedkan ayaa waxa uu yidhi:

“Runtii waa waajib in aynu madaxweynihii hore  ee dalka oo inoo yimid in aynu marti qaadno, oo aynu u qabano kulankan oo kale, madaxweynihii hore ee qiimaha iyo qaayaha iyo sharafta uu inagu leeyahay inaan muujinayo weeyaan.”

Isagoo Ramaax hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Madaama oo uu gobolkii uu u hashay aan masuul ka ahay waajib bay igu tahay inaan kulanka iyo qaar kale aan ku casuumo, talo iyo  tusaaleba iyo waano badanna aan ka qaadan doono.”

Gebo gebaddii hadhimo sharafeedkan ayaa waxa ka hadlay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu yidhi:

“Marka u horeysa guddoomiyaha aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa, guddoomiye wax-garadkii, salaadiintii iyo culimaddii gobolkan ee aad igu sharaftay marti-qaadan gobolkii aan u dhashay ee uu masuulka ka yahay aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Reer Borama oo astaan u ahaa hor-u-marka inaad halkaa kasii wadaan, waxaad samayseen nabad iyo taariikh ayaad samayseen, taariikhdaasi yaanay idinka lumin, halkeedi inaad ka sii waddaan ayaa rajaynayaa.”

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey xukuumadda haatan taladda haysaa ay ku marti-qaadeen hadhimo sharafeed madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Hoos ka daawo videoga kulanka hadhimo-sharafkeed madaxweynihii hore Somaliland Daahir Rayaale oo aanu kasoo xiganey Boramanews.com

bandhige@gmail.com