Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeexCabdillaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale”, oo ay wehelinayaan saraakiisha ugu sarreeye ha’yadda samo-falka ah ee Alkhair Foundation ayaa maanta deeq raashin ah waxay gaadhsiiyeen dadka ay abaaruhu sida xun u saameeyeen ee u soo guurey degmada Balli-mattaan ee Gobolka Maroodi-jeex.
Dadkani waxay kasoo kala guureen deegaamo kala duwan, badankoodu waxay kasoo tallaabeen xuduudka ay Somaliland la leedahay Itoobiya iyo deegaano kale oo guddaha Somaliland ah, waana dad ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, xaalada dadkani ay ku nool yihiin ayaa ah mid aad u adag oo waxaana hoos dhac weyni ku yimid guud ahaanba xaaladdooda caafimaad.
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex oo u kuur galay xaalada nololeed ee dadyowgan ayaa waxa uu ka codsadey haayada Alkhayr foundation inay dadkan ku gargaaran sidii ay u badbaadin lahaayeen xaaladooda caafimaad una dhisaan xarumo caafimaad oo lagu daryeelo dadkan, dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kasoo guurey deegaankoodii una soo guurey halkan ayaa waxay runtii u sheegeen in ay xaaladoodu allow sahal tahay aadna ugu baahanyihiin daryeel caafimaad iyo musqulo, gudoomiyuhu waxuufarriin adag u direy xukuumada iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba sidii ay ugu gurman lahaayeen dadkooda ay abaaruhu saameeyeen.
Madaxda sare ee ha’yadda samo-falka Alkhair Foundation ayaa iyaguna waxay dhankooda ballan qaadeen inay deegaankan ka hirgelin doonaan dhisme dhakhtar oo ay si degdeg ah uga dhisi doonaan deegaankan u jeedadiisuna ay tahay sidii loo badbaadin lahaa maatidan aadka u ildaran ee xanuunada khatarta ahi hayaan.
deeq raashinka ah ayaa waxa la gaadhsiiyey 420 Qoys oo ah dadka ay abaaruhu sida aadka ah u sameeyeen ee usoo guurey degmada Balli-mattaan ee gobolka Maroodi-jeex.
Wabillaahi Tawfiiq.
Xafiiska Warbaahinta Gobolka Maroodi-jeex