Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex iyo Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa ayaa siwada jira xadhiga uga jaray Saldhiga degaanka Abaarso ee degmada Gacma-dheere.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex iyo Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa ayaa siwada jira xadhiga uga jaray Saldhiga degaanka Abaarso ee degmada Gacma-dheere.

Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa Mudane Khadar Axmed Cumar, ayaa xadhiga ka jaray saldhig cusub oo dowladda hoose ee Hargeysa ay ka hirgelisay degaanka Abaarso.

Sidoo kale waxa uu xusay in uu ilaalin doono cashuuraha lala baxsanayo ee dowladda dhexe iyo dowladda hoose, waxaanu intaas ku daray in uu qayb weyn ka qaadan doono la dagaalanka lagu jiro Koontarabaanka.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa bulshada ku nool degaanka Abaarso ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada booliska ee la keeni doono saldhiga, waxaanu ku booriyay inay cashuurta bixiyaan si adeegyada kale ee kamaqana loogu dhammeystiro.

Gaba-gabadii masuuliyiinta degmada Gacma-dheere iyo bulshada degaanka Abaarso ayaa siwada jira u soo dhaweeyay hirgelinta dhismaha saldhigani, waxaanay tilmaameen in ay baahi weyn u qabeen.