Guddoomiyaha Gobolka Togdheer wuxu dhalliilay isku-bedel lagu sameeyey saraakiisha ciidamada Booliska, Taliye Fadalna wuxu soo jeediyey talo

 

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax), ayaa saluug ballaadhan ka muujiyey isku-shaandhaynta lagu sameeyey saraakiisha ciimada Booliska dalka, waxana uu talooyin muhiim ah oo la xidhiidha hannaanka haboon ee isku-beddellada caadiga ah loo maro u jeediyey taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Guddoomiye Ramaax oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa isaga oo muujinaya sida aanu masuul ahaan ula dhacsanayn isku shaandhayntaas, waxa uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay sida ay isku shaandhaynta ciidamadu u saamaysay gobolka Togdheer oo uu xusay inay si aan haboonayn u taabatay.

Ramaax waxa uu si cad u sheegay in gobolka Togdheer laga beddelay saraakiil shaqadooda loo bogay oo bulshada kasbaday, halka taas beddelkeedan kuwo fashil ahaa loo daayey inay sii shaqeeyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Waxa jira saraakiil badan oo gobolka Togdheer aad looga necbaa oo iska jooga iyo kuwo gobolka aad looga jeclaa oo ka tagtay, taliyaha ciidankana waxanu leenahay nin baa gabyey oo yidhi,”Haddaad quule iyo jeerin beerato, qare iyo saytuun kuuma soo baxo.”

Isaga oo hadalkiisa waxa uu ka hadlay oo uu sheegay inaan isku beddelladaas la sameeyey aan loo marin jidhkii saxda ahaa, waxaana uu farta ku fiiqay inaan hab qabiil loo raacin isku shaandhayntaas, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Gobolka Togdheer waxa laga qaaday saraakiil badan oo laga jeclaa oo hawlkar ku ahayd oo dadku jeclaa oo shaqadoodu ahayd mid gobolka iyo qarankaba u dan ah, waxana aan leeyahay qiimayntu ha noqoto qofku waxa uu yahaye yaanay qabiil noqonin oo aanay hebel noqonin, ciidankuna wuu ka duwan yahay waxyaabaha kale.”

Isku-shaandhaynta lagu sameeyey saraakiisha ciidamada Booliska, ayaa saamaysay saraakiil tiro badan oo muddo dheer ciidamada kasoo tirsanaa, waxana ay isku shaandhayntaasi saamaysay gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan.

Guddoomiye Ramaax, ayaa isagu noqday masuulkii ugu horreeyey ee si cad u dhaliila isku shaandhayntaas, isla markaana iftiimiya gal-daloolooyinka ku jira, balse taliska guud ee ciidamada Booliska, ayaa iyagu weli wax jawaab ah ka bixinin eedahaas.

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com