Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland oo hortagay guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland

Guddida joogtada ah ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada ee Somaliland.

 

Markii uu kulankaasi soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha guddidaas Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir, oo sheegay in ay guddidoodu u yeedhay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Agabka ee Somaliland si ay wax uga weydiiyaan hawlo baadhitaan oo ay hay’addaas ku wadaan, wuxuuna intaas ku daray in guddoomiyuhu warbixin ka siiyey waxyaabihii ay weydiiyeen isla markaana ay sii wadayaan baadhitaankooda oo ayna ka hordhacayn natiijada ka soo bixi doonta.

 

Geesta kale, guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada agabka ee Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay guddid ka wada hadleen hawlaha ay hay’addu qaranka u hayso, isaga oo intaas raaciyey in ay si gaar ah uga wada hadleen arrin maalmihii u dambeeyey ay bulshadu hadal haysay oo la xidhiidha Tubaakada dalka soo gasha iyo sidii xeer xakamaynaya looga soo saari lahaa wax kasta oo bulshada waxyeelo u keeni kara.

 

Waxa kale, oo uu guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, uu sheegay in ay wada shaqayn wanaagsani ka dhaxayso wasaaradaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Xigasho: SOLNA