Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalahu wuxu wax ka beddelay saacadaha shaqada bisha Ramadaan

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Maxamed Mixille Boqorre ayaa sheegay in wax-ka-beddel lagu sameeyey xiligii shaqada ee shaqaalaha dawladda inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan.

Guddoomiye Mixille wuxu yidhi “Waxa lala socodsiinayaa dhammaan shaqaalaha dawladda in sidii caadada ahayd saacadaha shaqada ee bisha Ramadaan isbedeleyaan lana shaqayn doonto inta u dhaxaysa 8.00 subaxnimo ilaa 12.30 duhurnimo”

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu wuxu intaas raaciyey  “ Laakiin hay’adaha dakhliga ururiya sida Wasaaradda Maaliyadda oo kale waxaan leeyahay yaan la odhanin sacaadihii u guddoomiyaha haayadda shaqaluhu sheegay baa gaadhay, waa in ay shaqadooda dhammaystaan xataa haddii ay gaadhayso 4:00.”

Shaqaalaha xukuumadda ayaa sharci ahaan laga rabaa in ay shaqeeyaan inta u dhaxaysa 8.00 – 2.00 duhurnimo, kuwa gunnooyinka qaatana ay saacado intaas ka sii dheer ku gaadhi karaan. Hase ahaatee xisbiyada mucaaridka ayaa xukuumadda ku dhalliila in saacadaha ay shaqaalaha dawladdu shaqeeyaan ay tahay maalintii 3 saacadood iyo wax ka sii yar, taas oo macnaheedu tahay in ay shaqada soo galaan xilli ka dambaysa 8.00 subaxnimo kana rawaxaan xilli ka horreeya 12.00 duhurnimo.

bandhige@gmail.com