Guddoomiyaha Jimciyatul Axbaab oo ku baaqay in la badbaadiyo xabaalaha Sheekh Nuur ee Hargeysa

Guddoomiyaha Jimciyadda waxbarashada, diinta, qabanqaabinta xusaska diiniga ah iyo horumarinta arrimaha bulshada Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdillaahi ayaa bulshada ugu baaqay in laga wada qaybqaato daryeelka iyo dayactirka xabaalaha ku baylahsan guud ahaan deegaannada Somaliland gaar ahaana xabaalaha ku dayacan Hargeysa, kuwaas oo uu qaarkood soo bandhigay.

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdillaahi oo war-saxaafadeed kasoo saaray arrintan oo uu nuqul kamid ahi nasoo gaadhay wuxu sheegay in ay xabaalaha magaalo-madaxdu ugu sii daran yihiin dhinaca dayaca.

“Hargeysa wuxu maalinba maalinta ka dambaysa daadku soo faqayaa xabaalo ay ku aasan yihiin ehelladeenii iyo asxaabteenii, waxa ka mid ah xabaalaha Sheekh Nuur ee Hargeysa. Waa arrin naxdin leh” ayuu yidhi Sayid Maxamed.

Guddoomiye Sayid Maxamed wuxu sheegay in xabaalaha Sheekh Nuur oo ku ku yaal dhinaca galbeed ee Shiraaqle Huteel uu daadku soo saaray lafaha dad hore ugu aasnaa.

xabaalaha
Daadku wuxu soo faqay lafaha dad muddo dheer ku aasnaa xabaalaha Sheekh Nuur
Xabaalaha3
Muuqaalka gebiyada xabaalaha oo daadku duminayo sannadba sannadka ka dambeeya

“Ugu danbayntii waxa aan bulshada Somaliland gaar ahaan xukuumadda iyo goleyaasha deegaanka  ee dalka ugu baaqayaa in la badbaadiyo xabaalaha dalka guud ahaan, gaar ahaana xabaalaha Sheekh Nuur oo qarka u saaran in dhammaantood daadku qaado iyadoo aynu hada ku jirno xili roobaadkii: ayuu war-saxaafadeedka ku soo gunaanaday Sayid Maxamed.

bandhige@gmail.com